Ruushka oo malaayiin doolar ka jilaabta suuqyada Soomaaliya

Image
Xaqiiqadan soo ifbaxdey ayaa dhalin karta loolan adag oo uu la galo Mareykanka iyo quwadaha kale ee dhaqaalaha ku leh caalamka.

MOSCOW, Russia -  Ruushka ayaa si mug leh uga dhex muuqda suuqyada soo dhoofsiga wax-soo-saarka ee Soomaaliya, waxaa soo ifbaxday arrin dhalin karta loolan adag oo uu la galo Mareykanka iyo quwadaha kale ee dhaqaalaha ku leh caalamka, inkastoo dalka ku yaalla Geeska Afrika uu la daalaa-dhacayo amni darro.

Warbixin dhawaan soo baxdey ayaa muujineysa in Moscow ay aduun ka badan $10.8 milyan oo doollarka Mareykanka ah ka macaashtey dalagyo ay usoo dhoofisay Soomaaliya oo qudheeda faa'iidey kaliya $65,000.

Tani ayaa waxay muujinaysaa daldaloolo weyn oo dhanka dhoofinta ah ee u dhexeeya labada dal halkaas oo Ruushka u muuqdo inuu ku badan yahay marka loo eego tirakoobka.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee Interfax ee laga leeyahay waddanka Ruushka, waxyaabaha ay Soomaaliya u dhoofiso Ruushka ayaa kaliya ku kooban sisinta.

Warbixintu ayaa intaas ku daraysa in wax-soo-saarka beeraha ee Ruushka uu 2021-kii u dhoofiyay Soomaaliya ay dhan yihiin 36,600 oo tan oo qiimahoodu yahay $10.8 milyan halka sannadkii 2020-kii uu u dhoofiyay 29,800 oo tan taasoo uu ka ka helay 6.5 milyan oo dollar.

Qamadiga ayaa ah dalaga ugu badan iyo isha dhaqaale ugu xooggan ee Soomaaliya looga keeno Ruushka. Warbixintu waxay intaas ku dartay in Ruushka iyo Soomaaliya ay qiyaastii sanad walba is-dhaaf-sadaan 30 milyan oo doollar.

Caleenta ah, saliidda gabbaldayaha, daqiiqda, baastada, iyo khamiirka ayay warbixinta caddeysay in ay kamid yihiin dalagyadda laga yaabo in sanadyada soo aadan ay is-dhaafsadaan Muqdisho iyo Moscow.

Soomaaliya ayaa saaxiib dhow la ah Ruushka, waxaana Moscow ay ku fakaraysay inay saldhig milateri ka sameysato dalka ay dagaalladu aafeeyeen, inkastoo Mareykanka uu iska caabin kala kulmay.

Ruushka iyo Mareykanka labaduba waxay u xusul duubayaan sidii ay Soomaaliya uga heli lahaayeen illo dhaqaale iyo gabaad amni, iyadoo xukuumadda Washington uu horay u sameystay saldhig milateri oo ay danaheeda ka ilaaliso. Moscow waxay qudheeda joogitaan ciidan ku leedahay Mozambique iyo Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM