Sharci ima qabtee shib ha la iga dhaho!

Image

November 4, 2014 (GO)- Sida laga war qabo khilaaf xooggan ayaa ka dhex taagan labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowlada Federaalka Soomaaliya. Khilaafkaas oo bishii hore ee October dabayaaqadeedii soo shaac baxay, wuxuu u muuqdaa mid marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya.

Beesha caalamka oo  si dhow arintaas isha ugu haysey waxay ku baaqday in khilaafka jira deg deg lagu dhameeyo iyadoo loo raacayo qaab dastuuri ah maadaama hadii khilaafku sii daba dheeraado caqabad ku noqon karo horumarka dalka. Sidoo kale beesha caalamku waxay ugu baaqday xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka inay arintan dhex dhexaad ka noqdaan.

Dhibi kuma jirto in caalamku ka tala bixiyo xal ka gaarista muranka siyaasadeed ee Muqdisho ka aloosan waxaase fajaciso ku noqotay dadka dhex dhexaadka ka ah khilaafka, hadal shalay (Isniin kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Qoraal kasoo baxay xafiiskiisa wuxuu ku sheegay in beesha caalamku  xaq u lahayn inay ka hadasho muranka u dhexeeya isaga iyo wasiirka koowaad wuxuuna ku tilmaamay arintaas mid xad-gudub ku ah madax banaanida dalka.

Waa run dalku waa madax bannaan yahay, Soomaaliduna iyaga ayey tahay inay aayahooda ka tashadaan, balse su'aasha isweydinta mudan ayaa ah, Madaxweyne Xasan Shiikh muxuu qoonsaday?

Haddii aan isku dayno su'aashaas inaan ka jawaabno, waa iska cadahay in Madaxweynuhu raali ka ahayn beesha caalamku inay soo farageliso xaaladda maadaama isaga iyo Ra'iisul Wasaaruhuba ku tagrifal awoodeed sameeyeen haba loo kala badnaadee.

Madaxweynuhu wuxuu si cad uga soo horjeestey xil ka qaadis lagu sameeyey mas'uuliyiin isaga ka ag dhowaa, Ra'iisul Wasaaruhuna wuxuu qaaday talaabooyin dhowr ah isagoon cidna kala tashan. Maadaama ay sidaas tahay, miyaan lays oran karin Xasan Sheekh ujeedkiisu wuxuu u dhacayaa "Sharci ima qabtee shib ha layga dhaho!"

Waxaa xusid mudan in beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub bixiyaan inta badan dhaqaalaha hay'adaha Dowladda Federaalku ku shaqeeyaan iyo weliba dhaqaalaha ku baxa hawgalka nabad ilaalinta AMISOM oo laf dhabar u ah jiritaanka Dowlada Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM