Sida malaayiin qof uga tanaadeen jiritaanka Covid-19

Image

LONDON, UK - In ka badan shan milyan oo qof ayaa noqday milyaneero adduunka oo dhan sanadkii 2020 inkasta oo hoos u dhac dhaqaale uu sababay safmareenka kasoo bilowday dalka Shiinaha ee COVID-19.

In kasta oo dad badan oo sabool ahaa ay sii faqireen, haddana tirada milyaneerada haystay 5.2 milyan waxay hadda hantidoodu mareysaa 56.1 milyan oo adduunka ah, sida uu sheegay Baanka maalgashiga Credit Suisse. Sanadkii 2020 in ka badan 1% dadka qaangaarka ah ee adduunka waxay markii ugu horeysay noqdeen milyineer.

Hase ahaatee, su’aasha dhabta ahi ee is-waydiin karaan dadweynaha ayaa waxay tahay: Sidee? Sidee ayey ugu suurtagashay in ay xoolo urursadaan intii uu socday musiibada?

Sidee?

Soo kabashada suuqyada saamiyada iyo kor u kaca qiimaha guryaha ayaa gacan ka gaystay kobcinta hantidooda. Sameynta hanti ayaa u muuqatay mid "gebi ahaanba ay ka sareysay" dhibaatooyinka dhaqaale ee aafadu sababtay, sida ay xuseen cilmi baarayaashu.

Anthony Shorrocks, oo ah dhaqaaleyahan isla markaana ah qoraa ka tirsan Global Wealth Report, ayaa sheegay in aafada ay "saameyn gaaban ku yeelatay suuqyada adduunka", laakiin wuxuu intaas ku daray in "inta badan laga soo kabtey dhamaadka Juun 2020".

"Hantida adduunka ma ahan oo kaliya inay ku sii jirto xasilloonida dhibaatooyinka noocan oo kale ah laakiin dhab ahaantii si dhakhso leh ayey u korortay qeybta labaad ee sanadka," ayuu yiri.

Si kastaba ha noqotee, kala duwanaanshaha xagga hantida ee u dhexeeya dadka waaweyn ayaa sii ballaartay sannadka 2020. Shorrocks wuxuu yiri "haddii sicirka hantida uu kordho, sida kor u kaca qiimaha guryaha, lagana saaro xisaabta, markaa hantida qoysaska adduunka ayaa si fiican hoos ugu dhacday".

Nannette Hechler-Fayd'herbe, oo ah madaxa maalgashiga ee Credit Suisse, ayaa tiri: "Ma jiro wax dafirid ah oo ku saabsan in talaabooyinka ay qaadeen dawladaha iyo bangiyada dhexe si ay u abaabulaan barnaamijyo kala duwan oo wareejin dakhli, in ay taageeraan shakhsiyaadka iyo ganacsiyada ay aadka u saamaysay aafada, iyo hoos u dhigista dulsaarka, waxaana arrintaas ay si guul leh uga hortagay dhibaato caalami ah oo baaxad leh".

Heerka hadda?

Hechler-Fayd'herbe ayaa intaas ku dartay: "Hoos-u-dhigida sicirka dulsaarka bangiyada dhexe waxay u badan tahay in ay yeelatay saameynta ugu badan. Waa sababaha ugu weyn ee keenay in qiimaha saamiyada iyo qiimaha guryuhu ay sare u kacaan, kuwanna waxay si toos ah ugu turjumayaan qiimeynteena hantida qoyska".

Warbixinta ay daabacday Credit Suisse ayaa shaaca ka dhigtey hantida qof kasta oo qaangaar ah ay korortay boqolkiiba 6 sanadkii hore ayna gaartey aduun lacageed dhan $79,952 (£57,598)

Wadarta hantida guud ee qoyska ayaa kortay 7.4 boqolkiiba, ama $28.7 trillion (£ 20.7 trillion) ilaa $ 418.3 trillion (£ 301.3 trillion) dhamaadka 2020, in kastoo qaar ka mid ah tan lagu caawiyay sarifka lacagaha.

Tujaariinta ugu badan

Sarre u kacaas waxaa ka faa'iideystay qaar kamid ah dowladaha horumaray kuna jiro dalka Shiinaha, sida ay tibaaxdey Credit Suisse, iyo sidoo kale baaxada dalalka dabaqada dhexe ee soo koraya.

Hase yeeshe, hantida ugu badan, waxaa helay Mareykanka iyo Yurub, iyadoo kor u kacday $12.4 trillion iyo $ 9.2 trillion labadaas dhinac, siday u kala horreeyaan. Kororka Shiinaha helay waa $ 4.2 trillion, iyada oo gobolka Aasiya iyo Baasifigga ee ka baxsan Shiinaha iyo Hindiya  ay macaasheen $4.7 trillion kale, sida ay ka dhawaajisay Credit Suisse.

Sida uu hoosta ka xariiqay Shorrocks oo u waramay The Guardian, kororka hantida iyo agabyadda ma aysan saameyn dakhliga milyineeradda da'yarta ah wallow ay jireen faragelino ka imaanayey qaar kamid ah dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM