Tirada barakacyaasha aduunka oo gaartey 75.9 milyan qof

Image
Xarunta Dabagalka Barakacayaasha Gudaha ayaa warbixin kasoo saartey tirokoobkii ugu dambeeyay.

NAIROBI, Kenya - Colaadda Suudaan iyo dagaalka Israel ku hayso Qaza ayaa kordhiyay dadka barokacay ee adduunka oo gaartey 75.9 milyan qof dhamaadka 2023, sidda lagu sheegay tirokoob cusub.

Xarunta Dabagalka Barakacayaasha Gudaha ayaa sheegtay in tiradani ay tahay mid cusub dhamaadka sanadka marka loo eego tirinta, iyadoo tirada dadka ku barakacay xudduudahooda ay kordheen in ka badan 50 boqolkiiba shantii sano ee la soo dhaafay.

Tirada ayaa kor uga kacday 71.1 milyan dhamaadkii 2022.

Halka qaxootiga ay yihiin kuwa dibadda u qaxay, barakaca gudaha waxaa loola jeedaa dadka iyaga oo ku nool waddankooda lagu qasbay in ay ka guuraan guriyahooda.

Warbixin sanadeedkeeda caalamiga ah oo ku saabsan barakaca gudaha, IDMC waxay sheegtay in 68.3 milyan oo qof adduunka oo dhan ay ku barakaceen colaado iyo rabshado, iyo 7.7 milyan oo ay ku barakaceen masiibooyinka.

Shantii sano ee la soo dhaafay, tirada barokacayaasha ee ka dhashay iskahorimaadyada ayaa kordhay 22.6 milyan, iyadoo labada koror ee ugu weyn ay ahaayeen 2022 iyo 2023 kuwaas oo colaado sababeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ka Waran Adigoo Ka Cararaya Gaabnaanta Haddaad Lugahaaga Jajabiso Si Aad Dherer U Hesho?

Khabiir lafaha ku takhasusay oo ka tirsan NHS ayaa sheegay in qalliinkan aanu…

  • Warbixino

    25-05-2026

  • 05:53AM

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM