Uganda oo taageertey qorshe uu u ololaynayo xafiiska Xasan Sheekh
KAMPALA, Uganda - Dowladda Uganda ayaa soo dhaweysay dadaalada muddo kordhinta labada sano ah uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ugu raadinayo howlgalka ku meelgaarka Midowga Afrika ee ATMIS.
Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda, Felix Kulayigye oo u waramay The East African, ayaa sheegay in uu taageersan yahay dadaaladan "maadaama dalkan ay colaado ka oognaayeen 15-kii sano lasoo dhaafay".
Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee nabad-gelyadda Soomaaliya. Xoogaga hubeysan ayaa haatan wajahaysa guluf ballaaran oo ay qeyb ka yihiin dalalka dariska ah ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.
"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuu saxan yahay," ayuu yiri Kulayigye. Ciidamada UPDF ayaa ah cutubyadda ugu badan ee ka tirsan ATMIS. Waajibaadkooda waa sugida ammaanka caasimadda Muqdisho.
Qorshaha xukuumadda Muqdisho ayaa hareermarsan balanqaadka ay horey u sameysay oo ku aadan in cutubyada shisheeye ay dalka ka hayaami doonan 31-ka bisha December ee sanadka 2024-ka.
Hindisahan ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu 27-da bisha bishan April uu yeesho shir gaar ah oo looga doodayo mustaqbalka howlgalka ATMIS.
Falanqeeyeyaasha ayaa ku andacoonaya in jadwalka cusub ee bixitaanka ay u badan tahay in ay ka dhalatay ciidamadda Soomaaliya oo aan wali si buuxda u diyaarsaneyn iyo in aysan wali helin agab milatari oo ku filan.
The East African ayaa intaas ku dartey in qorshaha uu xafiiska Xasan Sheekh uu haatan taageerada u raadinayo uu waafaqsan yahay soojeedin horey uga timid dalalka ay kasoo jeedaan ciidamadda taliska ATMIS.
Talada Uganda, Kenya, Burundi, Ethiopia iyo Djibouti oo timid markii magaca howlgalka laga soo raray AMISOM ayaa ahayd in mudada kala guurka ee dalka uga baxayaan ay noqoto shan sano si diyaar-garow fiican loo helo.
Midowga Yurub ayaa balanqaadey aduun lacageed dhan $2.74 bilyan doolar haddii la raaco qorshahan. Lacagtan waxaa heli doona labada howlgal ATMIS iyo AMISOM waxaana lagu maareynayaa kharaasha ciidamadda.
Lama ogga sidda madaxda Soomaaliya ay qorshahan uga dhaadhicin doonan shacabka iyo goleyaasha dowladda maadaama ay horey u balanqaadeen in ay ciidamadda shisheeye ay hayaami doonan December, 2024.
Ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya soo gaarey 2007-dii. Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horeeyay ee askartiisa kasoo dageen Muqdisho. Mudadaas 16-ka sano ah, waxaa naf-waayay in ka badan 4,000 askar.
GAROWE ONLINE