Muqdisho oo foollaneysa hardan siyaasadeed waqtigiisa kasoo horumaray

Image
Xiisadahan noocaan ah ayaa caasimada Soomaaliya lagu arki jiray ugu yaraan sanad iyo bar kahor dhamaadka muddo xileedka madaxda xilka haysa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda ayaa waxa ay ka bilowdeen gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho kuwaas oo horseedi kara isbedelo waaweyn bilaha soo socda.

Magaala madaxda ayaa lagu waddaa in maalmaha soo aadan ay kusoo xaroodaan siyaasiyiin dhaliilsan hogaanka dowladda federalka. Ra'iisul Wasaare Hore Xasan Cali Khayre ayaa ugu soo horumaray Khamiista maanta ah.

Xubnahan ayaa waxaa kamid ah murashaxiin madaxwayne oo Xasan Sheekh Maxamuud ay ku kala calaf-qaadeen fagaaraha Afasiyooni 15-kii May, 2022 taas oo guuldaro dhabarka u saariday Maxamed Farmaajo.

Xoogagan siyaasadeed oo degdeg u bilaabi doona abaabul siyaasadeed iyo ciidan ayaa isku-dayi doona in ay ishortaagaan wax ka badalka dastuurka oo ay sheegeen in ay ku hoos jiraan "ajandayaal qarsoon".

Shakiga ku wareegsan wax ka badalka dastuurka

Arrimaha la doonayo in wax ka badalka lagu meelmariyo waxaa kamid ah in Soomaaliya ay u guurto nidaamka Madaxwayne iyo Madaxwayne Ku Xigeen taas oo meesha ka saareysa xilka Ra'iisul Wasaaraha.

Dadka shakiga ka muujinaya qodobkan ayaa waxa ay sheegayaan in uu awooda dowladnimada kusoo koobayo xafiiska madaxweynaha ayna suurtagal tahay in ay xigaan qorsheyaal kale oo "ciribtiraya dimuqraadiyadda".

Hase ahaatee, taageereyaasha maamulka Xasan Sheekh ayaa ku doodaya in soojeedintan ay soo afjareyso is-qabqabsiga soo laabtey ee madaxda dowladda ayna dalka ku hageyso "dhabaha horusocodka".

Soomaaliya ayaa nidaamka baarnalaamiga ah kusoo caano-maashay tan iyo markii dib loo yagleelay Jamhuuriyadda saddexaad iyadda oo halmar la isku-dayay nidaamka madaxtooyadda uu dhicisoobay.

Dagaal siyaasadeed oo la isku-jilba murxi doono

Maadaama xubnaha mucaaradka iyo hogaanka dowladda federaalka ay horey isugu arkeen Muqdisho ayna muuqato in ay gaari-waayeen is-faham buuxa, baarlamaanka ayaa noqon doono halka lagu kala bixi doono.

Tani ayaa ka dhigan in ay jiri doonan dagaal siyaasadeed oo la isku-jilba-murxi doono taas oo haddii uu guuldareysto dhabaha u xaari karta gacan ka hadal horseeda inuu dhiig daato iyo barakaca dad badan oo shacab ah.

Illo wareedyo war-gal ah ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in wakiiladda Beesha Caalamka ay si weyn isha ugu haayaan mar-xaladan ayna caddeyn doonan mowqifkooda kadib ama kahor coddeynta sharci-dejiyeyaasha.

Xiisaha siyaasadeed caado ka ahayd Soomaaliya in ay cirka isku-shareeraan iyadda oo muddo xileedka madaxda xilka haysa uu ka dhiman yahay ugu yaraan sanad iyo bar balse waxaa muuqataa in waqtigeeda kasoo horumartey.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ujeeddooyinka France ee Afrika: Doorka Jabuuti iyo Dalalka Geeska Afrika

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

  • Maqaalo

    29-12-2024

  • 09:01AM

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Dalabka Erdoğan ee Dhexdhexaadinta Xalka Dagaalka Suudaan… Labo Waji oo Isla Lacag Ah

Turkigu wuxuu leeyahay taariikh xiriir dhow oo uu la leeyahay Suudaan, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay damac gumeysi.

  • Maqaalo

    24-12-2024

  • 01:54PM