Qaabka uu Biden u bedeli doono siyaasada arrimaha dibada USA

Image

WASHINGTON, US – Kadib doorashadda siyaasi Joe Biden, siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa la odorasayaa in ay wax badan iska bedeli doonto marka loo eego qaabka ay ku socotay afartii sano ee aynu kasoo gudubnay.

Biden ayaa la filayaa in uu ka shaqeeyo sidii Washington dib ugu laaban lahayd Heshiiska Isbedelka Cimilada ee Baris, Ururka Caafimaadka Aduunka iyo in ay hogaamiso dedaalo caalami ah oo looga hortagayo Covid19.

Ololaha Biden ayaa waxay talaabooyinkan ku qeexeen "dib u soo celinta hogaaminta Ameerika iyo balanqaad meesha looga saarayo khalkhal gelinta iyo dareenka halka dhinac ahaa ee madaxweyne Donald Trump".

Dimuqraadiyiinta ayaa si dhab ah waxay u doonayaan in ay la hagaajiyo wanaajinta xiriirka xulafooda iyo dhayida buugaha soo gaarey.

Xilli ay tani u arkaan in uu ahmiyada koowaad siiyo, haddana waxay doonayaan in uu wajaho arrimo ay kamid yihiin cadaadiska xubnaha NATO lagu saarey in ay bixiyaan laba boqolkiiba dhaqaalaha difaaca Gaashaanbuurta.

Hasayaashee, waxaa jirta siyaasad soo noqnoqota taasoo ah feejignaan xoog leh oo lagu wajahayo wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo kororka aqbalaadda qaxootiga.

Isbedel ayaa la rajeynayaa in uu ku yimaadoarrimaha Bariga Dhexe, ma ahan kaliya taageerada Yahuuda balse wuxuu siinaa Iiraan iyo Sacuudiga.

Biden ayaa dib u geli doono heshiiska Nukliyeerka Iiraan waase hadii Tehran ay ogolaatay in ay dib u bilowdo fulinta qodobadii hore. Si lamid ah wuxuu sheegay in uu joojinayo taageerada USA ee dagaalka Sacuudiga ka wado dalka Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ujeeddooyinka France ee Afrika: Doorka Jabuuti iyo Dalalka Geeska Afrika

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

  • Maqaalo

    29-12-2024

  • 09:01AM

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Dalabka Erdoğan ee Dhexdhexaadinta Xalka Dagaalka Suudaan… Labo Waji oo Isla Lacag Ah

Turkigu wuxuu leeyahay taariikh xiriir dhow oo uu la leeyahay Suudaan, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay damac gumeysi.

  • Maqaalo

    24-12-2024

  • 01:54PM