Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga
ANKARA, Turkiga - Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay oo Khamiis ah ansixiyay heshiis iskaashi oo dhanka Garsoorka ah oo ay la galeen dalka Turkiga.
Heshiiskaas ayaa ku saabsan kaalmeynta dhanka sharciga, dhiibista eedaysanayaasha iyo dambiilayaasha, iyo wareejinta dadka la xukumay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Bishii November wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shil gaari oo ka dhacay Istanbul waxa uu sababay dhimashada muwaadin u dhashay dalka Turkiga.
Xasan Sheekh waxa uu ka dhoofay Turkiga maalmo ka dib dhacdada, balse waxa uu soo laabtay muddo bil ku dhow.
Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa horaantii sanadkan ku heshay danbi balse waxa ay xukunkii lagu riday oo ahaa 2/2 sano ka badashay ganaax lacageed.
Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn kuwaas oo ay kamid tahay difaaca badda iyo soo saarista shidaalka Soomaaliya.
Ma cadda in dhacdadaasi ay door ku lahayd gaarista heshiiskan. Balse su'aallo iyo tuhun xooggan ayaa ka dhashay heshiiskan. Dadka qaar ayaa tuhunsan in heshiiska lagu soo furanayo wiilkan. Balse kuwa kale ayaa qaba in aysan arrinkaas jirin.
GAROWE ONLINE