Xasan iyo Laftagareen oo ka badbaadey in ay gacanta bidix isku-salaamaan

Image
Dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa is-afgarad hoose waxay ka gaareen khilaafkii ka dhaxeeyay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka badbaadey in ay si dhameystiran ugu kala tagaan siyaasadda kadib khilaaf soo jiitamayay asbuucyadii ugu dambeysay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan, ayaa la sheegay inuu sabab u noqdey isku-soo-dhaweynta labada dhinac isla markaana uu telefoonka kuwada hadal-siiyay xalay kaasoo ay kasoo baxeen labo qodob.

Illo wareedyo kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garowe Online in Xasan Sheekh iyo Laftagareen ay isku-fahmeen qabsoomida shirka golaha wadatashiga qaranka kaasoo loo balansan yahay inuu qabsoomo 25-ka bishan September ee 2024-ka.

“Balse illaa haatan waxaa su’aal ay ka taagan tahay goobta uu ka dhacayo. Villa Soomaaliya waxay naawilaysaa inuu Muqdisho ka dhaco halka Villa Koonfur Galbeed ay taas uga shakisan tahay in uu shirqool ku duugan yahay,” ayay xuseen illaha.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa waxay ku heshiiyeen in Xasan Sheekh uu ka cudurdaarto dhamaan hadaladii uu dhibsadey Laftagareen isla markaana wixii madmadow ahaa ee taagnaa lagu dhamaadeyo wadahadalo ka dhici doona Muqdisho.

Xiisada Villa Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa cirka isku-shareeray tan iyo markii uu soo shaac-baxay warka ku saabsan in Itoobiya ay ka baxeyso gudaha Soomaaliya haddii aysan ka laaban heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland.

Heshiiska ay gaareen Xasan Sheekh iyo Laftagareen ayaa waji gabax waxa uu ku yahay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Gudoomiye Aadan Madoobe kuwaasoo horey isugu dayay in ay isku-soo-dhaweeyeen labada mas’uul.

Xamse ayaa u socdaalay magaalada Baydhabo todobaadkii lasoo dhaafay isaga oo wadahadalo uu la yeeshay Laftagareen aysan mirodhalin halka Aadan Madoobe uu isagoo joogay Muqdisho ku guuldareystay inuu xal waafi ah keeno.

"Waa labo midkood un: in Laftagareen uu dareensanaa in Xamse iyo Aadan Madoobe aysan talada ka go'in ama in uu qadariyay soddogiisa Taliye Mahad," ayuu yiri Cabdullaahi Nuur oo ka faallooda Arrimaha Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee, lama sii saadaalin karto inta uu jiri doono heshiiska horudhaca ah ee Xasan iyo Laftagareen maadaama labadii sano lasoo dhaafay oo isku-dhawaayeen ay si lama filaan ah mar qura kuwaadeen in ay gacanta bidix isku-salaamaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ujeeddooyinka France ee Afrika: Doorka Jabuuti iyo Dalalka Geeska Afrika

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

  • Maqaalo

    29-12-2024

  • 09:01AM

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Dalabka Erdoğan ee Dhexdhexaadinta Xalka Dagaalka Suudaan… Labo Waji oo Isla Lacag Ah

Turkigu wuxuu leeyahay taariikh xiriir dhow oo uu la leeyahay Suudaan, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay damac gumeysi.

  • Maqaalo

    24-12-2024

  • 01:54PM