17 dalxiiseyaal ah oo lagu diley weerar ka dhacay dalka Tunisia

Image

March 19, 2015 (GO)- Ugu yaraan 19 qof ayaa ku geeriyoodey ku dhowaad 50 kalena way ku dhaawacmeen weerar shalay ka dhacay matxaf ku yaalla meel u dhow xarunta barlamanka dalka Tunisia ee magaalada Tunis.

Dadka dhintey waxaa ku jira 17 qof oo dalxiiseyaal ahaa una kala dhashay wadamada: Poland, Japan, Italy, Australia, France, Spain iyo Colombia.

Ra'isal Wasaaraha Tunisia Habib Essid ayaa sheegay in labo nin oo ku lebisnaa direyska ciidamada kuna hubeysnaa qoryaha darandoorriga u dhaca  gudaha u galeen matxafka dabadeedna afduubteen tobannaan qof oo xilligaas matxafka ku jirey.

Habbib Essid ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka dalkaasi markii dambe ku guuleysteen inay gudaha u galaan goobta islamarkaana dileen kuwii weerarka fuliyey.

Dhanka kale, madaxweynaha dhowaanta la doortey ee Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa ku dhawaaqey dagaal ka dhan ah argagixisada, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha Tunisia inay midoobaan.

Mas'uuliyadda weerarka waxaa sheegtay kooxda Ansaru Sharica oo xiriir laleh kooxda Daacish ee fadhigeedu yahay wadanka Ciraaq.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lala beegsado dad dalxiiseyaal ah laga soo bilaabo sanadkii 2002, markaasoo afduubasho ka dhacdey jaziiradda Djerba ee dalka Tunisia lagu diley 21 qof oo dalxiiseyaal ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM