Aabe iyo wiilkii laguna eedeeyay qaraxyo oo xukun lagu riday

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taala Nairobi, caasimadda Kenya, ayaa xukun kasoo saartay kiis ka dhan ah Aabe iyo Wiilkii kuwasi oo qaraxyo dhimasho keenay lagu eedeeyay.

Weerarada oo sanadkii 2014-kii ka dhacay wadada Thika Road lana sheegay in ay ka dambeysay kooxda hubeysan ee  AlShabaab ayaa waxay galaafteen saddex ruux.

Sar Guracha Haro iyo wiilkiisa Warque Dejene ayaa bishii hore ee August sanadkan 2019-ka, waxaa loosoo dacweeyay in ay ku lug lahaayeen weerarada laba bas rakaab.

"Ninka lasoo eedeeyay [Hero] waxa uu xabsi ku qaadan doonaa 14-sano; tobban sano oo kamid ah ayuu kaliya saldhiga ku jiri doonaa," ayey xukmisay xeer-beegtada.

Hero ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu u hanjabay marqaati u marag furi lahaa cunugiisa. Marqaatiga wuxuu cabsi awgeed uga baaqdey arrintaasi.

"U hanjabida marqaatiga waxaa dambi ka dhan ah nidaamka garsoorka. Sidaasi darteeda kama badbaadi karo ciqaabta," ayaa lagu yiri qoraal maxkamada lasoo baxay.

Haro iyo Dejene, oo aan la kala caddeyn xukunkiisa, ayaa loo haystaa in ay dhigeen miinooyin la kacay laba bas oo marayey degaanadda Homeland and Roysambu.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha mukhaaaraadka, Dejene ayaa wuxuu tababar la xiriira argagixisadda uu kusoo qaatay Kismaayo, caasimada ku meel gaarka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM