Boqoradda Ingiriiska oo xaaladeeda aad looga dayrinayo

Image

LONDON, (GO) - Waxaa isbitaalka la dhigay boqoradda Ingiriiska Boqran Elizabeth iyada oo maalmahan ku sugnayd Gobolka Scotland.

War kasoo baxay qasriga Backinghum ayaa lagu sheegay in xaaladda boqoradda aad looga dayrinayo, iyada oo la joojiyay kulan ay ka qeybgali lahayd.

Maalintii Talaadadii ayay magacawday Raisulwasaaraha dalkaasi Liz Truss , waxaana la arkayay boqoradda oo cagaheeda ku taagan oo dhoolo caddaynaysa. Balse wixii markaasi ka dambeeyay xaaladeeda waa ay kasii dartay.

Raisulwasaare Liz Truss ayaa sheegtay in dalka oo dhan uu ka murugaysanyahau Warka kasoo baxay qasriga.

Amiir Charles iyo qaar ka mid ah qoyskeeda ayaa u safray magaalada Balmore, halkaas oo isbitaal ku yaala lagu dabiibayo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM