​140 rayid ah oo Ethiopia lagu dilay

Image

War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in rag hubaysan oo kasoo gudbay xadka Koonfurta Sudan, dalka Ethiopia ku dileen ugu yaraan 140 qof rayid ah, waxaana dadka la laayay ku jira haween iyo carruur.

Weerarkan ayaa ka dhacay gobolka Gambela oo ku yaalla xadka labada waddan oo fariisin u ah in kabadan 284,000 oo qaxooti kasoo cararay colaadda ka jirta qaranka ugu cimriga yar dunida.

Kooxahan dilka gaystay, wax xiriir ah lama lahan ciidamada qalabka sida Koonfurta Sudan iyo fallaagada hubaysan ee dagaalka kula jirta xukuumadda Jubba.

Arrintan waxaa lagu shaaciyay war kasoo baxay xafiiska isgaarsiinta dalka Ethiopia, walow aan la xusin xilliga weerarku dhacay.

David Shinn, oo aqoonyahay xiriirka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda George Washington, islamarkaana soo noqday safiirka dalka Maraykanka u fadhigay Ethipia, ayaa sheegay in gobolka leeyahay colaad taariikh dheer oo ku salaysan xuduuda labada dhinac.

"Khilaafka ka jira Koofurta Sudan, ayaa waxay dhalisay inay qaxooti badan u qaxaan dhanka Ethiopia. Sidoo kalena kooxaha fallagada ayaa ka gudba gobolka Gambela. Layaab malahan maahan oo waxaa jirta colaad in qalalaaso dalkaasi ka dhaca," Sidaasi waxaa yiri Prof: David Shinn.

Arrinta waxa faah faahin ah kama bixin dhibkan ka dhacay dalka Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM