​150 lagu dilay weerar lagu qaaday Shabaab

Image

Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay inay weerar diyaaradeed ka fuliyeen dalka Somalia islamarkaana ku dileen 150 katirsan Mallayshiyaadka ururka Al-Shabaab oo ku jiray xero tababar ku taalla tuulo hoos timaada degmada Buuloburde.

Dadka deegaanka la duqeeyay iyo saraakiil ayaa sheegay in duqaynta dhacday lala beegsaday saldhig u dhexeeya tuulooyinka Dhariyow iyo Ceel Dibi oo lagu magacaabo Raso habeennimadii Axadda, waxaana goobtaasi 70km dhinaca Galbeed ka xigta degmada Buuloburde.

Jeff Davis af-hayeenka Pentagon Maraykanka, ayaa sheegay in goobta la bartilmaameedsaday ay 150 kilometer dhinaca Waqooyi ka xigto Muqdishu, isagoo xusay inay dhinteen 150 mintidiin ah kuwaasi oo isu diyaarinayay weeraro ka dhaca Somalia.

Wuxuu sheegay inay heleen xog tilmaamay diyaar garowga mallayshiyaadkaasi, wuxuuna xusay inay weerarka fuleen diyaaradahooda aan duuliyaha wadan ee loo yaqaan Drones-ka.

Taliyaha Guutada Tobnaad ee ciidamada dawladda Somalia Korneel Maxamed Cumar oo ayaa VOA u xaqiijiyay weerarka xukuumadda Washington sheegatay, isagoo cadeeyay inay maqleen geerida 69 maleeshiyo ah iyo dhaawaca 43 kale.

Goob joogayaal weerarka ka hadlay, waxay xaqiijiyeen in diyaaradda weerarka fulisay ugu yaraan 6 gantaal ku tuurtay saldhiga iyadoo laba jeer arrintaasi fulisay, waxana cadeeyeen inay goob ku sugnaayeen mallayshiyaad katirsan Shabaab.

Dhanka Al-Shabaab kama aysan hadlin sheegashada Maraykanka dilka mintidiintooda.

 Maaha markii ugu horaysay dowladda Maraykanku weeraro ka gaysato Somalia, waxaana dhawr jeer oo hore duqaymo ay ka fuliyeen Somalia lagu dilay xubno sar-sare oo katirsan ururka Shabaab oo dagaal xooggan kula jira dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM