2 wiil oo Soomaali ah oo la toogtay iyaga oo Xaflad Aroos ka qeyb galaya

Image

OTTAWA, Canada - Labo wiil oo Soomaali ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday Infinity Convention center ee magaalada Ottawa ee caasimada wadanka Canada.

Said Mohamed Ali oo 26 jir ahaa iyo Abdishakuur Abdi Daahir oo 29 jir ahaa ayaa lagu dilay toogashada oo ilaa hadda Boolisku aysan faah-faahin ka bixin sida ay u dhacday.

Taliye xigeenka Booliska Ottawa, Amy Bond ayaa warbaahinta u sheegay " waa toogasho bahalnimo ah oo xanuun badan taasi oo dhibaato ku ah Bulshadeena oo dhan".

Dhibaatada Soomaalida Canada ayaa u muuqata mid xargaha goosatay iyada oo ururo ay samaysteen Hooyooyinka dalkaasi ay u muuqdaan dadaalo aan wali wax badan ka badalin xaalka dhalinyarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM