Pakistan: 20 qof oo ku dhimatey weerar lagu qaadey Jaamacad

Image

Labaatan qof ayaa lagu diley Jamaacad ku taal woqooyiga dalka Pakistan kadib markii koox hubeysan xoog ku galeen dhismahaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Taliban ayaa sheegtey mas'uuliyada weerarkaan lagu qaadey Jamacada  Bacha Khan ee ku taal magaalaa Charsadda gobolka Khyber Pakhtunkhwa. Weerarkaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmey 50 ruux oo isugu jira macalimiin iyo ardey. 

Sarkaal sare oo ciidamada amniga u hadley ayaaa sheegey in lix saac kadib gacanta dib ugu dhigeen Jaamacadaas iyagoo ku diley halkaas ku diley 4 nin oo hubeysan. 

Maaha markii ugu horraysay dalka Pakistan la weeraro goob waxbarasho, sannadkii 2014 bishii December ayay ahayd markii la dilay 134 ruux kadib markii dablay weerartay Iskuul ciidan oo ku yaalla Waqooyiga Pakistan gaar ahaan magalada Peshawar.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM