25 qof oo ku dhimatay dab ka kacay goob caafimaad Sacuudiga

Image

24 December, 2015(GO)-Dab khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira sababay ayaa subaxnimadii hore Khamiista ka kacay goob caafimaad oo ku taalla magalada dhacda Koonfur Galbeed dalka Sucuudiga.

Waxaa ku dhintay 25 ruux 107 kale waa ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin katirsan Boqortooyada waddankaas, waxayna sheegeen inay baaritaan kuwadaan qaabka wax u dhaceen.

Waaxda difaaca bulshada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in dabka uu ka kacay qeybta daryeelka xooggan ee isbitaalka, laakiin daadaal la sameeyay waxay tilmaameen inay xakameeyeen.

Dadka ku dhaawacmay ayaa loo wareejiyay xarumo caafimaad oo goobta ka dhawaa, waxaana sawirro la soo dhigay baraha bulshada (Twitter) muujinayeen khasaaraha baahsan ee goobtaas gaaray.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM