​32 loo xiray rabashado ka dhacay Chicago

Image

Rabshado ayaa hareeyay isu soo bax siyaasadeed oo murashax xisbiga Jamhuuriga Donald Trump uu ku qaban lahaa magalada Chicago ee dalka Maraykanka, waxaana taasi keentay inuu baaqdo qorshaha ninka ugu cad-cad xisbigaasi.

Arrintan, ayaa keentay kadib markii fagaaraha isugu yimaadeen taageerayaasha Donald iyo kumanaan kasoo horjeeda oo diidanayaa fikirkiisa. 

Boliiska dalka USA, ayaa sheegay inay xireen 32 ruux la tuhunsanyahay inay ku luglahaayeen barnaamijkaasi, waxaana durba ka hadlay murashaxa oo iska fogeeyay mas'uuliyadda wixii dhacay. 

Wuxuu sidoo kale maalqabeenkan uu ku gacan sayray mabdi'iisa uu kaga soo horjeedo Muslimiinta, isagoo sheegay inaysan isaga khusayn.

Waa dhacdadii ugu dambeysay ee wajahda xafladaha uu qabsado musharaxaasi Xisbiga Jamhuuriga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM