6000 Tahriibayaal ah oo Talyaaniga gaaray

Image

ROMA, Talyaaniga - Jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa gaaray Tahriibayaal ka badan 6000 qof.

Tahriibayaashan oo gaaray Jasiirada in ka yar 24 saac gudahood ayaa loo diiwaan geliyay kuwii ugu badnaa ee sanadkaan gudihiisa isku mar yimaada.

Jasiiradan ayaa waxaa ku yaala xarun loogu talo galay in ay qaado 450 qaxooti ah markiiba balse tiradaan ayaa culeys xoogan ku keentay.

Dalka Tunisia ayaa la rumeysan yahay in ay kasoo kictimeen Qaxootigan iyaga oo intooda badan in ay kasii talaabaan Talyaaniga.

Sanadkaan oo kaliya waxaa Talyaaniga gaaray in ka badan 120 kun oo qof oo Tahriibayaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM