70 qof oo tahriibayaal ah oo ku geeriyoodey xaabaha dalka Yemen

Image

December 8, 2014 (GO)- Ugu yaraan 70 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku qariqmay Badda Cas kadib markii doon yar oo ay ku safrayeen kula degtey xeebaha galbeed ee dalka Yemen.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Taiz ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in badda oo kacsanayd iyo dabaylo xooggan oo dhacayey sabab u noqdeen in doonidaasi degto.

Dhammaan dadka geeriyoodey waxaa la xaqiijiyey inay ahaayeen muhaajiriin dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Itoobiya.

Tahriibayaal Afrikaan ah una badan Soomaali iyo Itoobiyaan oo kasoo cararaya faqriga iyo xasillooni darrada wadanadooda ka jirta ayaa sannad walba soo gaara xeebaha koonfureed ee dalka Yemen, iyagoo kaddibna usoo ruuqaansada dhinaca waqooyiga, si ay ugu sii tallaabaan Sucuudiga oo Yemen xuduud dheer wadaagaan.

Hay'adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in sannadkii 2012 oo keliya dalka Yemen gaareen 84,000 oo tahriibayaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM