8 jir noqdey qofkii ugu horeeyay Yahuuda dishay sanadka cusub 2025

Image
Duqaymaha Israel ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay Khuloud Abu Daher oo 27 jir Falastiini ah.

ANKARA, Turkey - Milatariga Israa’iil ayaa ku dilay Gaza laba Falastiiniyiin ah, oo uu ku jiro wiil 8 jir ah, saacadihii hore ee sanadka cusub ee 2025, sidda ay warisay TRT World.

Wararka ayaa sheegaya in milatariga Israa’iil ay duqeeyeen guriga qoyska Abu Dhaher oo ku yaalla xerada Bureij saacadihii hore ee Arbacada maanta ah.

Goobtaas ayaa waxaa ku dhintay Adam Farhallah oo siddeed jir ahaa kaas oo noqday qofkii ugu horreeyay ee falastiiniyiin ah iyo sidoo kale cunuggii ugu horreeyay ee Israa’iil ay ku disho Qaza sannadka cusub ee 2025-kii.

Muuqaal murugo leh oo ay wadaageen dadka u dhaqdhaqaaqa deegaanka ee X ayaa muujinaya wiil dhalinyaro ah oo Falastiini ah oo u dhow meydka Farhallah, oo haya lugtii ka go'nayd ilmaha.

"Ilmaha waxa uu ku seexday gaajo iyo qabow...bilawga sanadka 2025 tanina way ku dhacaysaa isaga," ayuu yiri mid kamid ah dadka ka dhex-hadlaya muuqaalka.

Duqaymaha Israel ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay Khuloud Abu Daher oo 27 jir Falastiini ah, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha iyo dadka u dhaqdhaqaaqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM