80 Askari oo ku dhimatay Duqeyn

Image

XIMS - Magaalada Xims ee wadanka Suuriya 81 Askari ayaa geeriyooday in ka badanna 240 way ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday kuliyadda ciidamada ee magaaladaasi.

Askarta qalin-jabinayay ee la laayay ayaa ahaa kuwa taabacsan hogaamiyaha kaligii taliyaha ah ee dalka Suuriya, Bishaar Al-Assad iyada oo weerarka loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Xukuumadda Suuriya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku tiri" waxaa weerarka gaystay kooxaha Argagixisada ah ee la yaqaan dowladaha taageera".

Marka laga yimaado hadalka Dimashiq ma jiro koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Kooxaha mucaaradka ee kasoo horjdeeda Al-Assad ayaa iyagu adeegsada Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM