Aabaha dhalay Ilhaan Cumar oo u dhintay safmareenka Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Aabaha dhalay Ilhaan Cumar ayaa u geeriyooday Coronavirus, sidda habeenimadii Isniinta ay shaacisay haweenaydan gobolka Minnesota ku metesha Congress-ka dalka Mareykanka.

"Anigoo dareemaya tiiraanyo xanuun iyo murugo badan, waxaan idilna wadaagayaa in Aabahey Nuur Cumar Maxamed uu u dhintay Covid-19," ayay ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay.

Waxay hadalkeeda raacisay: "Ma jiro erayo aan ku qeexi karo waxa uu aniga iiga dhignaa iyo dhamaan dadka garanaya isaga".

Sidda laga soo xigtay The Guardian iyo New York Times, Ilhaan waxaa soo koriyey Aabahey iyo Awoowgeeda caruurnimadeeda.

Sanadkii 1995-tii ayay qaxooti ahaan ku tageen Mareykanka iyadda iyo Aabaheyd kadib markii ay Soomaaliya uga qaxeen dagaaladii sokeeye. Minneapolis waxay ahayd meeshii ugu horeysay oo ay dageen.

Ilhaan ayaa dib-u-xusuusatay doorkii uu Aabaheeda uu ku lahaa dhiiragelinteeda kadib qalbi-jabkii kasoo gaarey dagaalka sokeeye.

Sanadkii 2018-kii ayay noqotay haweenaydii ugu horeysay oo Muslim ah oo kamid noqotay Congress-ka Mareykanka. Rashida Tlaib oo laga soo doorto gobolka Michigan ayaana wehlisay waqtigaas.

Iskoorka illaa iyo hadda diiwaanka ugu jira Ilhaan wuxuu yahay in ay noqotay qofkii ugu horeeya ee Xijaab ku gala Congress-ka.

Xilli ay Ilhaan Cumar kamid tahay siyaasiyiinta safka hore kaga jira ololahala dagaalanka Coronavirus, tiradda dadka uu cudurkaan dilaaga ah ku laayey gudaha Mareykanka ayaa sii cagacageynaya 116,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM