Adaanka Salaada oo markii ugu horeysay laga maqlay magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga 8 qarni ka dib

Image
Adaanka ayaa laga sii daayay Masjidka ku yaala Talyaaniga oo markiisa hore ahaa Kaniisad.

Palermo (GO) - Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay adaanka salaadda oo laga sii daayay Masjidka “Jamhuuriyadda Tunisiya” ee ku yaala magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga markii ugu horreysay muddo 8 qarni ah.

Codka Adaanka Salaada Maqrib ee laga daayay Masjidka ayaa lahaa sheekhii geeriyooday ee Tuniisiya Cali Al-Buraaq.

Mar sii horeysay Sheekh Badri Al-Madani oo ah imaamka masjidka ku yaala magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga ayaa wareysi uu siiyay idaacada Jawhara FM waxa uu ku sheegay in Adaanka salaada looga yeeri doono masjidka, ka dib in ka badan 800 oo sano oo uu hakad ku jiray.

Al-Madani waxa uu ku macneeyay in adaanka Salaada marka hore lagu soo koobi doono oo kaliya Salaada Maqrib iyo Cisha iyo Jimcaha.

Masjidkan ayaa markiisa hore ahaa Kaniisad qadiimi ah, in ka badan 1000 ka hor, ka dibna lagu wareejiyay Jaaliyadda Tuuniisiya ee ku nool dalkaa 1990-kii.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM