Afar qof oo lagu dilay toogasho wadareed ka dhacdey Mareykanka

Image
Booliska ayaa shaaca ka dhigay in ay raadinayaan qof ay tuhunsan yihiin uu dambigan geystay.

WASHINGTON, USA - Toogasho wadareed ka dhacday gobolka Maine ee dalka Mareykanka ayaa sababtey dhimashada afar qof iyo dhaawaca saddex, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil dhinaca ammaanka ah.

Booliska gobolka Maine ayaa sheegay in la helay meydka afar qof ka dib markii ay askarta ka jawaabeen wicitaan degdeg ah oo kaga yimid guri ku yaal magaalada Bowdoin.

Wax yar ka dib falkaas, waxaa soo baxayay warar sheegaya in dhowr gaari ay rasaas ku haleeshay wadada weyn ee halkaasi ku dhow, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.

Mas'uuliyiinta hay'adaha nabad-gelyadda gobolka ayaa rumeysan in dhacdooyinkan uu ka dhaxeeyo xiriir wadajir ah, isla markaana ay raadinayaan qof ay si weyn ugu tuhunsan yihiin.

"Saddexda qof ee dhaawaca ah ayaa lagu toogtay wadada weyn," sida ay sheegtay Fox News. Balse, ma bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa ay ahaayeen dadkan.

Toogasho wadareedyadda ayaa aad ugu badan gobolada Mareykanka. Falalkan ayaa lala xiriiriyaa hubka oo ku jira gacmaha dadweynaha. Sharci-dejiyeyaasha ayaa si weyn ugu kala qeybsamay xakameyta hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad dagaal oo F-35C ah oo ku burburtay California, duuliyihiina si nabad ah uga badbaaday

Wali lama shaacin sababta keentay shilka, hase yeeshee baaritaan buuxa ayaa socda si loo ogaado wixii dhacay.

  • Caalamka

    31-07-2025

  • 04:43AM

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM