Afgaanistaan: Gudoomiye gobol oo lagu dilay qarax is-miidaamin

Image
Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay geerida mas'uulkan.

KABUL, Afgaanistaan - Mas'uuliyiinta Taliban ee Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in qarax bambaano lagu weeraray xafiiska gudoomiyaha gobol, halkaasi oo ay ku dhinteen mas'uulkaas iyo labo kale ruux.

Weerarkan oo ka dhacay magaalada Mazar-i-Shariif ee xarunta gobolka Waqooyi ee Balkh ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 7 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta isbitaalka degaanka.

Saraakiisha booliska gobolka ayaa xusay in nin xirnaa jaakadaha qarxa uu isku qarxiyay dabaqa labaad ee dhismaha uu ku yaalo xafiiska gudoomiyaha la dilay ee Mohammad Dawood Muzamil.

Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha badan dhaliyay. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey maleyshiyaadka Daacish

Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay geerida Muzamil, isagoo sheegay "inuu ku shahiiday qarax ay fuliyeen cadowga Islaamka".

Mujaahid oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu si toos ah u caddeeyay in ay socdaan baaritaanno la xiriira dhacdadan. Fariintan waxa uu u adeegsadey luuqadda caanka ah ee Pashto.

Kooxda ISIL ayaa weeraro joogto ah waxay ka fulineysay gudaha Afgaanistaan tan iyo markii Taalibaan awooda dib ugu soo laabatay markii ay waddankaas ka baxeen askarta caalamiga ah ee Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM