Afgambi la sheegay in uu ka dhacay Burundi

Image

Jeneraal ciidamada Burundi ah, ayaa sheegay in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada in ay shaqada ka eryeen madaxwayne Pierre Nkurunziza, iyadoo rabshado ay ka dhasheen qorshihiisa dib u doorashada mar sadexaad.

Maj Gen Godefroid Niyombareh ayaa ku dhawaaqay in guddiga badbaadinta qaranka la dhisay si ay dalka u maamulaan.

Hase yeeshee, ma cadda inta ay la eg tahay taageerada isaga iyo saraakiisha kaleba ay haystaan.

Madaxwayne Nkurunziza ayaa hadda ku sugan Tanzania oo uu kula kulmayo hogaamiyayaasha bariga Africa si ay dhibaatada Burundi uga wada hadlaan. La taliyayaashiisa ayaa ku tilmaamay afgambiga mid "kaftan" ah.

Madaxwaynaha Burundi oo Twitter kiisa isticmaalaya ayaa sheegay in uu dhacay iskuday afgambi laakiin lagu guul daraystay xaaladduna ay dagantahay

Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas ku riday dad ku dibadbaxaya caasimadda Bujumbura Maanta.

shacabka oo aad u faraxsan ayaa sheegay uu midho dhalay dadaalkoodii iyo mudaaharaadyadii ay todobaadyada wadeen.

Xasilooni daradu waxay bilaabatay 26 April waxaana ku dhintay in ka badan 20 qof.

Tobanaan kun oo reer Burundi ah ayaa u qaxay dalalka dariska ah todobaadya dii u dambeeyay.

Madaxwayne Nkurunziza waxa uu diiday baaqyadii loo soo jeedinayay ee ku aadanaa in uu ka laabto in uu isu sharaxo markii saddexaad doorasha loo qorsheeyay in la qabto bisha soo socota.

51 jirkan horay u ahaa hogaamiye jabhadd waxa uu ku doodayaa in markii koobaad ay baarlamaanku doorteen 2005, sidaas daraadeedna aan loo xisaabinaynin, oo uu xaq u leeyahay labo jeer oo shacabku doortaan.

Dastuurka dalkaasi waxa uu dhigayaa in madaxwaynuhu uu xilka qabankaro labo jeer oo kali ah, laakiin sida uu wax u fahmay Nkurunziza waxaa ku raacday maxkamad oo u ogolaatay in uu tartami karo.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu fulinayo danaha Mareykanka iyo Israa'iil

Al-Xuuti ayaa ku andacooday in shacabka Falastiin ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaartay siyaasadaha Sacuudi Carabiya.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 02:29PM

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka oo Qiray Qaladaad ay Dawladdiisu Gashay

Maraykanka ayaa sannadkii hore marar kala duwan dib u dhigay baahinta faylasha Epstein oo ahaa dambiile lagu helay dambiyo la xidhiidha galmo.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 10:23AM