Afganistan: Qarax ka dhacay Kabul

Image

KABUL- Ugu yaraan 10 qof ayaa la dilay 20 kalena waa la dhawacay kadib ruux walxaha qarxa isku soo xiray kaasoo abaaray xarun Boliis oo ku taalla caasumadda dalka Afganistan ee Kabul.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha waddankaas Ayub Salang, ayaa xaqiijiyay weerarka kadib xilli uu la hadlay Telefishinka Al-Jazeera, wuxuuna tilmaamay inay socdaan baaritaano ku aaddan falkaas. 

Ciidamo ammaanka caasumadda Kabul ayaa tagay goobta weerarku ka dhacay, waxayna isku geedaameen xarunta qaraxa lala beegsaday iyagoo wada baaritaano kala duwan. Xaaladda dadka dhaawacmay ayaa qaybtood laga dayrinayaa, waxaana loola cararay goobaha caafimadka magalada xarunta u ah Afganistan. 

Kabul, ayaa hoy u noqotay bishii lasoo dhaafay weeraro ismiidaamin ah, waxaana qaraxyadii dhacay kamid ahaa mid lagu dilay todobo wariye oo u shaqaynayay Telefishin ka adeega xarunta dalkaas. 

Arrintan ayaa carqalad ku noqon karta dadaalo nabadeed oo laga waday gobolka taasoo ay faraha kula jiraan waddamada reer Galbeedka qaybtooda, waxaana ururka Taliban wacad ku maray inay qaadi doonaan olole ka dhan ah qorshaha dowladaha reer Yurub qaybtood. 

GAROWEONLINE

Related Articles

India oo lagu dhaleeceeyay ka "Aamusnaanta" weerarkii lagu dilay Ayatollah Ali Khamenei

Weerarkaas oo dhacay Sabtidii, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen 786 qof, kuwaas oo ay ku jiraan carruur dugsiyada dhiganaysay.

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 07:45PM

Iran oo Duqeysay Safaaradda Mareykanka ee Riyadh

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in laba drone ay ku dhaceen ama ku qarxeen…

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 06:43AM