50 qof oo ku dhintay qarax lagu weeraray Masjid

Image
Image
Image
Ma jirto koox illaa hadda sheegatay mas'uuliyada falkan. Masjidka la beegsadey waxaa ku badan Shiicada.

KABUL, Afghanistan - Ugu yaraan 50 qof oo rayid u badan ayaa lagu waramay in ay ku nafwaayeen qarax ka dhacay masjid ku yaala gobolka Kunduz ee waqoyga waddanka Afghanistan.

Kooxda hubeysan ee la wareegtay taladda waddankaas ee Taliban oo xaqiijisay dhacdadan ayaa si toos ah waxay u xustey in weerarku dhacay intii lagu guda jiray salaada Jimcaha.

Ma jirto koox illaa hadda sheegatay mas'uuliyada falkan. Masjidka la beegsadey waxaa ku badan Shiicada. Dhaawacyadda waxaa loo maleynayaan in ay kor u dhaafayaan tirada geerida.

Zabihullah Mujahid, afhayeenka Taalibaan, ayaa sheegay inuu jiro khasaare. Si kastaba ha ahaatee, isla markiiba ma uusan sheegin tiradda, isagoo tibaaxay in baaritaan bilaabeen.

ISIL ayaa muddo dheer bartilmaameedsanaysay muslimiinta Shiicada ah ee Afgaanistaan, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray qowmiyadda Hazara ee laga tirada badan yahay oo Shiico ah.

Taalibaan oo afgembisay maamulkii reer Galbeedka taageerayay dhamaadka bishii Ogosto ayaa la legdameysa dhaqaale burbursan iyada oo maalgelintii shisheeye ay inta badan la hakiyey.

Sidoo kale, caqabadaha uu nidaamka cusub wajahayo waxaa kamid ah dagaalyahannada Daacish ay weerarro iyo qaraxyo u eg qaab dhuumaalaysi ah ka bilaabeen qaybo ka mid ah waddankaas.

Sugidda amniga dadka ay halakeeyeen in ka badan 40 sano dagaalo aan joogsi lahayn ayaa ah halbeeggooda. Laakiin weerarada ISIL waxay hoos u dhigeen ballanqaadyadii Taliban ee xasiloonida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM