Afghanistan oo ku eedeysey dalal shisheeye inay ku soo weeraraan magaca daacish

Image
SAWIR HORE

KABUL, Afghanistan - Taliyaha ciidamada Afghanistan ​​Fasih al-Din Fitrat, ayaa ku eedeeyay hay’ado shisheeye inay ka dambeeyaan xiisadda amni iyo qaraxyada lugu fulinayo magaca Daacish.

Fitrat waxa uu sheegay mar uu u soo bandhigayay warbixinta xukuumadda – oo ay hoggaamiso Taliban – oo ku saabsan hawlaha ciidanka sannadkii hore, in dawladdiisu ay waddo qorshe cad oo ay kula dagaallamayso ururka Daacish ee dhammaan dhulka Afghanistan.

Afghanistan ayaa dhawaan sheegtay in ciidamada gaarka ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ​​ay dileen 3 qof islamarkaana ay qabteen qaar kale oo ka tirsan kooxda Daacish.

Waxayna ku soo furteen hawlgal amni oo ka dhacay degmada Baghman nin ganacsade ah oo afduub lagu heytay.

Taliyaha ciidamada Afghanistan ​​ayaa xaqiijiyay in Kabul ay ka go’an tahay in dhulkeeda aan ​​cid kale loo adeegsan, isagoo sheegay in uu Khalad u arko in Pakistan ay ​​fashilkeeda amni ku eedayso Afganistan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM