Afghanistan oo ku eedeysey dalal shisheeye inay ku soo weeraraan magaca daacish

Image
SAWIR HORE

KABUL, Afghanistan - Taliyaha ciidamada Afghanistan ​​Fasih al-Din Fitrat, ayaa ku eedeeyay hay’ado shisheeye inay ka dambeeyaan xiisadda amni iyo qaraxyada lugu fulinayo magaca Daacish.

Fitrat waxa uu sheegay mar uu u soo bandhigayay warbixinta xukuumadda – oo ay hoggaamiso Taliban – oo ku saabsan hawlaha ciidanka sannadkii hore, in dawladdiisu ay waddo qorshe cad oo ay kula dagaallamayso ururka Daacish ee dhammaan dhulka Afghanistan.

Afghanistan ayaa dhawaan sheegtay in ciidamada gaarka ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ​​ay dileen 3 qof islamarkaana ay qabteen qaar kale oo ka tirsan kooxda Daacish.

Waxayna ku soo furteen hawlgal amni oo ka dhacay degmada Baghman nin ganacsade ah oo afduub lagu heytay.

Taliyaha ciidamada Afghanistan ​​ayaa xaqiijiyay in Kabul ay ka go’an tahay in dhulkeeda aan ​​cid kale loo adeegsan, isagoo sheegay in uu Khalad u arko in Pakistan ay ​​fashilkeeda amni ku eedayso Afganistan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM