Afghanistan: xildhibaanad ka badbaadey isku day dil

Image

November 16, 2014 (GO)- Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka dalka Afghanistan oo lagu magacaabo Shukria Barakzai ayaa ka badbaadey isku day dil, kadib markii qarax ismiidaamin ahaa lala bartilmaameedsaday maanta xilli ay gaarigeeda saarneyd  kuna sii jeedey xarunta baarlamaanka.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in weerarka oo dhacay goor hore oo maanta ah (Axad) uu geystey qof isa soo miidaamiyey islamarkaana watey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Wasaarada Arimaha Gudaha Afghanistan oo lagu magacaabo Sediq Dediqqi ayaa warbaahinta u sheegay in Shukriya dhaawac fududi soo gaarey xaaladeeda caafimaadna wanaagsan tahay. Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray in qaraxaas ku dhinteen saddex qof oo midkood gabar yar ahayd 17 qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Mas'uuliyadda weerarka waxaa sheegtay ururka Taliban oo todobaadkii horena sidan oo kale isugu dayey inay khaarijiyaan taliyaha booliska Kapul Gen. Mohammad Zahir. Taaliban ayaa marar badan usoo hanjabtey xildhibaanadda maanta qaraxa lala eegtay.

Barakzai oo 42 jir ah waxay caan ku tahay u qareemista xuquuqda haweenka iyo madax banaanida saxaafadda.Tobankii sano ee ugu dambeeyey waxay ku jirtey baarlamaanka iyadoo ku guuleysatey abaalmarino caalami ah oo ku mutaysatay hawlkarnimadeeda.

GAROWE ONLINE              

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM