Afrika oo laga bilaabay Layli militari

Image

1700 oo askeri oo ka kala socda Afrika, Yurub, iyo Mareykanka ayaa ka qeybgalaya layli military oo ka bilowday dalka Senegal, taas oo qeyb ka ah dadaalka lagu kordhinayo wada shaqeynta ka gudbidda xuduudaha ee lagula dagaallamayo kooxaha loogu yeeray argagixisada.

Waxaa jiray weeraro kooxahaasi ay dhowaanahan ka fuliyeen dalalka Mali iyo Burkina Faso, halka dhibaatada Nigeria ay weli halis wayn ku tahay gobolka galbeedka Afrika.

Waxaa sare u kacaya awoodda iyo tayada ciidamada dhexdooda, sidaasi waxaa sheegay sarkaal sare oo ciidamada Mareykanka ka mid ah oo goobta layliga. Waxay isla adeegsanayaan farsamada, qalabka iyo hanaanka sidoo kale fikrad mideysan.

Aragtida tababarka maanta bilowday oo seddax isbuuc qaadan doona, waxa ay tahay sidii loo heli lahaa ciidamo qaran oo si wada jir ah uga shaqeynkara ka hortagidda waxa loogu yeeray argagixisada.

Aragtida saxda ah ee kooxaha Islaamiyiinta ee galbeedka Afrika waxa ay si dhab ah u soo baxday bishii lasoo dhaafay, markii koox ay weerar ku qaaday hotel ku yaalla dalka Burkina Faso ayna ku dileen 30 qof.

Tani iyo markaa, dalalka aan la bartilmaameedsan, laakiin halista kujira sida Senegal iyo Ivory Coast waxa ay xoojiyeen amnigooda.

Dalka Senegal, roondada ayaa la kordhiyay, ciidamo boolis ah ayaana ilaaliya Hotellada iyo suuqdada laga dukaameysto ee dadka ajaaniibta ah ay ku badan yihiin.

Ugu yaraan 10 qof oo looga shakisan yahay inay qeyb ka yihiin shabakad argagixiso ayaa dalka Senegal lagu xiray seddaxdii bile e lasoo dhaafay.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM