Al-Asad oo markii ugu horeysay muddo 20 sano ah booqasho ku tagay dalka Shiinaha

Image

BEIJING, Shiinaha - Warbaahinta rasmiga ah ee Shiinaha ayaa sheegtay in Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad uu maanta gaaray Shiinaha, iyadoo ay la socoto xaaskiisa Asma al-Assad.

Baahinta rasmiga ah ee Kaamirada CCTV ayaa soo bandhigtay muuqaal toos ah oo ku saabsan imaanshihiisa magaalada Hangzhou, halkaas oo uu kaga qeyb gali doono furitaanka ciyaaraha Asia.

Tan ayaa ah booqashadii ugu horeysay ee Bashaar Al-Asad uu ku tago dalkan ku dhawaad ​​labaatan sano gudahood. Sida ay sheegaty Wakaaladda wararka ee Suuriya (SANA) labada madaxweyne ee Suuriya iyo Shiinaha ayaa yeelan doona shir madaxeed ay uga hadlay doonaan arrimo dhowr ah oo aan daaha laga rogin.

Waxaana xusid mudan in madax badan ay ka qeyb galayaan xafladda furitaanka ciyaaraha Asia ee 19-aad ee ka dhacaya magaalada Hangzhou 22-23 Sebtembar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM