Al-Assad oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan ka qeybgalka Shirka Jaamacadda Carabta

Image

RIYADH (GO) - Madaxtooyada Suuriya ayaa ku dhawaaqday ka qayb galka madaxweyne Bashaar Al-asad ee shir madaxeedka degdega ah ee wadamada Carabta ee lagu wado in uu sabtida ka furmo magaalada Riyaad ee Dalka Sucuudiga.

Shir madaxeedka degdega ah ee Carabta oo ay martigelinayso caasimadda Sacuudiga, ayaa la isku haleynayaa in lagu gaaro aragti mideysan oo Carbeed oo ku aaddan xiisadda ka taagan Qasa.

Waxaa sidoo kale la soo hadal qaadi doona in gargaar dheeraad ah la gaarsiiyo dadka ku sugan marinka Qasa, lana joojiyo duqeymaha is-daba-jooga ah ay geysanayaan ciidamada Israa’iil.

Xoghaynta Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in uu soo gaaray codsi rasmi ah oo uga yimid labada dal ee Falastiin iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaas oo ku saabsanaa in la qabto kalfadhi aan caadi ahayn oo ay garwadeen ka tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM