Al-Burhaan oo soo gaaray Cumdurmaan ka dib markii ay ciidamadu la wareegeen xarunta idaacadda & telefishinka

Image
Ciidamada Sudan ayaa la wareegay gabi ahaan Umdurman oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas.

Khartoum (GO) - Taliyaha Ciidamada Sudan Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa maanta gaaray magaalada Umdurman ka dib markii ay ciidamadu la wareegeen xarunta idaacadda iyo telefishinka.

Wariye ka tirsan telefishinka Al-Carabiya ayaa xaqiijiyay in ciidamada Sudan ay la wareegeen gabi ahaan magaalada, kadib markii ay gudaha u galeen xarunta idaacadda iyo telefishinka oo saldhig u ahayd Ciidamada Taageerada degdeg ah RSF.

Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan ayaa sheegay in ay fashiliyeen, aroornimadii hore ee saakay isku day ay sameeyeen ciidamada Taageerada degdega ah si ay uga baxsadaan go’doominta ay ku soo rogeen ciidamada qalabka sida.

War saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska afhayeenka ciidamada ayaa intaa ku daray in inta badan ciidamadii baxsadka ahaa laga daba tagay, lana burburiyay.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa sheegay in labada dhinac ee iskahorimaadku dhexmaray ay galeen dambiyo dagaal. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhawaad ​​25 milyan qof oo u dhigan kala bar dadka Sudan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM