Al-Burhan iyo Hemedti oo markii ugu horreyay dagaalka ka dib ku kulmi doona Uganda

Image
Hemedti iyo Al-Burhaan ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay isugu yimaadaan kulan.

KHARTOUM (GO) - Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa daaha ka qaaday in Taliyaha Ciiddanka Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, iyo Taliyaha Ciiddanka Taageerada Degdegga ah, Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), ay Talaadada ku kulmi doonaan magaalladda Entebbe ee dalka Uganda.

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay labada dhinac yeeshaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda dalka Sudan ee u dhaxeeya ciidamada iyo Xoogaga Taageerada degdega ah bartamihii bishii April.

Shirkan dhawaan furmaya ayaa ku soo aadaya, iyadoo lagu dhaqan gelinayo qodobadii ka soo baxay shir madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD, kaasoo horaantii bishan December lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Jabuuti.

Maalmo ka hor, Hemedti iyo Al-Burhaan ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay isugu yimaadaan kulan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM