Al Shabaab oo ciidmada Kenya ka dishay 180 Askari

Image

ISTANBUL, Turkey- Ugu yaraan 180 Askari ayaa Dowlada Kenya lagaga diley weerar kooxda Al shabaab bishii hore ku qaadey saldhig ay ku lahaayeen Degaanka Ceel Cad Somalia, sidaas waxaa sheegey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh. 

Dowlada Kenya ayaan weli bixin tirade rasmiga ah ee lagaga diley weerarkaas ka dhacey saldhiga ku yaaley gobolka Gedo.

Hadii la xaqiijiyo in 180 Askari la diley ayaa noqoneysa weerarkii ugu ba'anaa ee kooxda Al shabaab ku disho ciidamo intaas leeg tan iyo intii dhidabada loo taagey.

Madaxweynaha Somalia ayaa baxshey tirada askarta dhimatey mar uu difaacayey ka qayb galka munaasabada tacsi ee loo qabtey ciidamadaan. 

Qaybaha kala duwan ee Somalida ayaa ku eedeyey Madaxweynaha in uu muuhimad gaar ah siiyey dhimashada askarta Kenya xilli kooxda al shabaab shacab Somali ah ku xasuuqdey makhaayad ku taal xeebta Liido.

Xasan Shiikh ayaa sheegey in ay muhiim tahay in muhiimad la siiyo ciidamada lagu diley Ceel Cade gobolka Gedo.

" Markii 180 iyo ku dhowaad 200 Askari loo soo direy Dalka Somalia maalin kaliya la Dili ma aha wax Sahlan" sidaas ayuu u sheegey talefishin Somali ah ee Madaxweyne Xasan Shiikh wareysi ku siiyey magaalada Istanbul.

" Askartaan ayaa waxaa loo soo direy dalkeena xilli ehelkooda rumeysan yihiin iney dhinteen iyagoo fulinaya wajibaad loo soo direy." ayuu intaas raacshey Xasan Shiikh.

Wadanka Kenya ayaa sheegey in qaraxa kowaad ee loo isticmaaley weerarkaan uu ka xoog badnaa mid kii loo adeegsadey safaarada Mareykanka ku lahaa Magalada Nairobi 1998 kasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 224 qof. 

Dalka Kenya ayaa waxaa Somali ka jooga ciidamo gaaraya 4000 kuwasoo ka tirsan 22000 ciidmada Amisom.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM