Al-Siisi: Taageerada Masar ee Soomaaliya lama xiriirto Xiisadda Itoobiya

Image

QAAHIRA - Madaxweyne Abdel-Fattah El-Sisi ayaa Axadii sheegay in taageerada Masar ee Soomaaliya aysan la xiriirin Itoobiya balse ay tahay in Soomaaliya laga caawiyo dib u soo celinta xasiloonida.

"Waxaan u taageerayno Soomaaliya, ma ahan xiisadda nagala dhaxaysa Itoobiya sababteeda...maxaa yeelay dalkan wuxuu ku jiray xasillooni-darro in ka badan 30 sano," ayuu madaxweyne El-Siisi.

El-Sisi waxa uu hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee magaalladda Qaahira oo ahayd Xafladdii Qalin-jabinta askar cusub, oo ku biiraya ciidamada Masar.

14kii August 2024, Masar iyo Soomaaliya waxa ay kala saxiixdeen heshiis amni, kaas oo ay Qaahira ugu soo dirtay Soomaaliya gargaar militari si loo taageero loona xoojiyo awoodda ciidamada dowladda Federaalka.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah taageerada Masar ay siineyso Soomaaliya si loo gaaro amni iyo xasilooni, la dagaalanka argagaxisada, iyo dhowrista madax banaanideeda iyo midnimadeeda” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar todobaadkii hore.

Tan iyo bishii Jan 2024, xiisadda Geeska Afrika ayaa sii kordhaysay, ka dib markii Somaliland ay heshiis 20 KM oo bad ah ka kiraysay muddo 50 sano ah dowladda Itoobiya oo aan bad lahayn, taas oo ujeeddadeedu tahay inay saldhig ciidan iyo deked ganacsi ka samaysato Badda Cas.

Masar ayaa marar badan ku celcelisay mowqifkeeda adag ee ay ku taageereyso midnimada iyo madax-banaanida dhulkeeda ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM