Al Sisi oo booqasho taariikhi ah ku tagay Ciraaq

Image
Image
Image
Image
Image

BAQDAAD, Ciraaq - Madaxweynaha Masar, Abdul Fattah Al Sisi, ayaa maanta Baqdaad ku gaarey booqashadii ugu horeysay ee hogaamiye Masar ah uu ku tago Ciraaq tan iyo markii Saddam Hussein uu 1990-kii galay dagaalkii Kuweyt.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah ka qeybgalka Al Sisi ee shir seddex geesood ah kaasoo ay qeyb ka yihiin Boqorka Urdun, King Abdullah II iyo Raiisul Wasaaraha Ciraaq, Mustafa Al Kadhimi.

Hoggaamiyeyaasha saddexda dal ayaa waxay bilaabeen shirar joogto ah tan iyo bishii Maarso 2019, iyagoo sare u qaaday xiriirka dhinacyada kala duwan.

Markii uu gaaray Baqdaad, Al Sisi wuxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxweynaha Ciraaq Barham Salih iyo Al Kadhimi ka hor kulanka sadex geesoodka ah ee diirada lagu saaro kobcinta iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga.

“Booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha ee Baqdaad, oo ahayd tii ugu horeysay ee Madaxweyne Masaari ah 30 sano kadib, waxay ka tarjumaysaa awoodda xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Masar iyo Ciraaq,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Masar, Bassam Radi.

Radi ayaa ku daray: "Waxay xoojineysaa sida ay Masar u jeceshahay in ay kor u qaado oo ay u horumariso xiriirka ku wajahan himilooyinka ugu waawayn ee ku saleysan midnimada masiirka iyo caqabadaha".

Isagoo jooga Baqdaad, Al Sisi, oo xilka qabtay 2014, wuxuu bogaadiyay dadaalka Ciraaq ee ku aaddan horumarinta amniga iyo xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Dabayaaqadii 2017, Ciraaq waxay ku dhawaaqday inay ka guuleysatay ururka DAACISH isla markaana ay dib ula soo noqotay dhammaan dhulkii Ciraaq ee ay hore u qabsadeen kooxaha xagjirka ah.

Ra'iisul wasaaraha Ciraaq wuxuu Axadii soo dhoweeyay Al Sisi iyo boqorka Jordan, isagoo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in wada hadaladooda "ay aasaas u yihiin fekradaha mustaqbal ee dadka saddexda dal oo ku saleysan iskaashi iyo isdhexgal".

Shirka ayaa markii hore loo qorsheeyay bishii Maarso, laakiin dib waxaa loogu dhigay laba jeer sababo la xiriira shil tareen oo halis ah oo ka dhacay Masar iyo Jordan, dhacdooyin galaaftay nolosha boqolaal ayna ku dhaawacmeen tiro kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM