Ameerikaan kamid ah dad loo xiray dilka hogaamiyihii Haiti

Image

WASHINGTON, USA - Muwaadin Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Haiti ayaa loo xiray dilkii Madaxweynihii waddankaas, Jovenel Moïse, sida uu Khamiista maanta ah shaaca ka dhigay sarkaal sarre.

James Solages, oo ah muwaadin Mareykan ah, ayaa ka mid ah lixda qof ee illaa iyo hadda loo qabtay dilka Moïse, sida uu sheegay Mathias Pierre, wasiirka doorashada iyo xiriirka xisbiyada Haiti.

Pierre ayaa u sheegay The Washington Post in ugu yaraan hal maxbuus oo kale la rumaysan yahay inuu yahay Haiti-Ameerikaan. Afar kale oo tuhmaneyaal ah ayaa lagu waramay la dilay.

Dilkii Moïse subaxnimadii hore ee Arbacada ayaa sii xoojiyay xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa ee ka jirta waddankan saboolka ah ee ku yaala Caribbean-ka. Masuuliyiintu wali ma aysan keenin caddeyn muujineysa in maxaabiista lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha dilka marka laga reebo eedeymaha ay warbaahinta u mariyeen.

Pierre ayaa faafiyey fiidiyoowga laba tuhmane oo ay qabteen kuna jeesjeesayeen dadweyne ku hareeraysnaa. Waxa uu sheegay in dadka la qabtay ay ku xiran yihiin saldhig boolis oo ku yaala caasimada oo ay hareeyeen dad careysan.

"Qeybaha gaarka ah waxay isku dayayaan inay ilaaliyaan saldhigga booliiska, maxaa yeelay dadku aad bay u waalan yihiin waxayna isku dayayaan inay u yimaadaan iyaga, si ay u gubaan," ayuu yiri. "Waxaan isku dayeynaa inaan taas iska ilaalino."

Masuuliyiintu ma aysan shaacin magacyada maxaabiista kale, laakiin wasiirka warfaafinta Haiti Pradel Henriquez oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa ku tilmaamay "ajaanib".

Jovenel Moïse ayaa lagu dhex-toogtay hoygiisa gaarka ah. Dableyda oo ka baxsatay goobta kahor inta aysan imaan laamaha ammaanka ayaa waxaa lasoo wariyey in ay ku qaylinayeen luuqadda Isbaanishka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM