Amiirka Kuwait oo isbitaal la dhigay xilli xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaanayso

Image
Wakaaladdu Wararka Kuwait ayaa sheegtay in saaka la dhigay isbitaalka.

KUWAIT (GO) - Wakaaladda wararka Kuwait ayaa sheegtay Arbacadii, in Amiirka dalkaas, Sheikh Nawaf Al-Sabah, la dhigay isbitaalka sababo la xiriira xaalad caafimaad oo degdeg ah.

Wakaaladdu ayaa sheegtay in Amiirka Kuwait saaka la dhigay isbitaalka ka dib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad oo degdeg ah si uu u helo daawayntii loo baahnaa islamarkaana maro baaritaano caafimaad.

Warbixinta Wakaaladdu ma aysan xadidin dhibaatada caafimaad ee soo wajahday Sheikh Nawaf Al-Sabah, oo haatan ah 86 jir.

Amiirka ayaa intii uu xukunka hayay dhowr jeer xilka ku wareejiyay ku xigeenkiisa, sababo caafimaad awgeed.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM