Amiirka Qatar oo ka digay in Israa’iil loo ogolaado dhibaateynta shacabka Qasa

Image

DOHA - Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa Talaadadii sheegay inaysan banaanayn in Israa’iil la siiyo ogolaansho aan xadidneyn oo ay ku disho dadka Falastiiniyiinta.

Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga sanadlaha ah ee golaha shuurada ayaa yiri, "Intaas waa ku filantahay, ma ahan Israa’iil in siiyo iftiin cagaaran oo ay ku dilaan dadka Qasa".

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in aan xilligan la ogoleyn in dadka Qasa biyaha laga gooyo, lagana hortago inay gaaran dawooyinka iyo cuntada. Sidoo kale aan la ogolayn in la sii wado iska indha-tirka xaqiiqda ah in gumeysi lagu hayo.

Amiirka Qatar ayaa ka dIgay cawaaqibka ka dhalan kara dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, isagoo xusay inuu halis ku yahay ammaanka gobolka iyo kan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM