Ra'iisul Wasaaraha Croatia oo laga helay safmareenka Coronavirus

Image

ZAGREB, Croatia - Ra'iisul Wasaaraha Croatia, Andrej Plenkovic, ayaa laga helay safmarka Covid19 balse wuxuu dareemayaa "xaalad wanaagsan" sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha Wasiiradda dalkaas ay sii kordheyso dhimashada uu caabuqa ka sababay.

Plenkovic oo 50-jir ah ayaa hogaaminayey Croatia tan iyo 2016 isaga oo ah hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee HDZ. Maalmo karantiil ah ayaana u bilowdey.

Sidda ku xusan bayaanka Golaha Wasiiradda, Plenkovic op xanuunka uu soo ritay Isniintii lasoo dhaafay ayaa loo qorsheeyay in uu karantiil galo 10 casho.

"Ra'iisul wasaaruhu wuxuu dareemayaa wanaag xilligan, wuxuu sii wadaa howlihiisa wuxuuna ka fulinayaa waajibaadkiisa guriga, isagoo raacaya awaamiirta dhakhaatiirta iyo kuwa ku takhasusay cudurrada faafa," ayaa lagu daray bayaanka.

Ka dib markii si ballaaran loo xakameeyay kiiska, Croatia waxay la dagaallamaysay xaalado badan isbuucyadii la soo dhaafay, iyada oo qaar ka mid ah bukaanada 2,300 ay hadda jiifaan waddanka dadkiisu yihiin 4.2 milyan.

Dhaqaatiirta dalka ayaa ka digay shaqaalaha iyo qalabka oo gabaabsi ah waxayna sheegeen in nidaamka daryeelka caafimaad uu "burburi doono" hadii tirada bukaanada jiifa isbitaalada ay gaaraan 3,000.

Maaddaama ay mas'uuliyiintu ku dhawaaqeen diiwaan ah in 74 qof ay dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay, dowladda ayaa Isniintii adkeysay xayiraadaha socdaalka, iyadda oo hoos u dhigtey tirada dadka lop ogol-yahay in ay waddanka galaan.

Wasiirka caafimaadka, Vili Beros, ayaa sidoo kale dhawaan laga helay viruska, laakiin wuxuu Isniintii sheegay inuu shaqada dib u bilaabi doono.

Isbitaalada ku yaal Croatia waxay la daalaa dhacayaan bukaan jiifka badan, sariiraha yar yar iyo qalabka iyo shaqaalaha oo gabaabsi ah, maadaama in ka badan 1000 dhakhtar qudhoodu uu ku dhacay cudurka.

Croatia aya waxay diiwaan galisay 128,442 kiis oo Coronavirus ah iyo 1,786 oo dhimasho ah, sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay Jaamacada John Hopkins ee waddanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM