Antonio Guterres: Bini'aadamka wuxuu ku socdaa jidka cadaabta

Image
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in madaxda caalamka ay hortaalo laba fursadood.

NEW YORK, USA - Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka ka digay in aduunka uu saaran yahay "jidka cadaabta cimiladda" xilli uu ka hadlayay shir madaxeedka Isbadalka Cimilada magaalada Sharmal Sheekh ee Masar.

Guterres oo ay kulanka ku wehliyaan in ka badan 100 madax ka kala timid caalamka ayaa hoosta ka xariiqay in hogaamiyeyaasha ay kaliya haystaan laba fursadood "iskaashi iyo geeri".

"Waa heshiis midnimo cimilo ama heshiis is-miidaamin wadareed," Guterres ayaa yidhi, isagoo ku booriyay wadamada qaniga ah inay u gurmadaan wadamada faqiirka ah ee kaalinta yar ku leh wasakhowga aduunka.

Qaramada Midoobay waxay la tacaalaysaa masiibooyinka dabiiciga ah ee sii kordhaya ee galaaftay nolosha kumannaan kun oo doollar sanadkan oo keliya, waxaana ku kacay tobanaan bilyan oo doollar - laga soo bilaabo daadadka ba'an ee Nigeria iyo Pakistan ilaa abaarihii Kenya, Soomaaliya iyo Maraykanka si lamid ah kulayl aan hore loo arag oo ka dhacay saddex qaaradood.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, oo waddankiisu yahay kan ugu sarreeya ee soo daaya gaaska aqalka dhirta lagu koriyo, ayaan ka qaybgelin shirka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo waddankiisu uu ku jiro kaalinta labaad ee liiska ugu sarreeya ee wasakhowga, ayaa ku biiri doona COP27 dabayaaqada usbuucan ka dib doorashada xilliga dhexe ee Talaadada.

In kasta oo tobanaan sano ay socdaan wadahadalo khuseeya cimileed, COP27 waa Shirweynihii 27-aad ee ee Isbadalka Cimiladda, hase ahaatee, illaa haatan ma jiraan qodobo cad-cad oo madaxda caalamka ay iskula meel-dhigeen ajandahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM