Aqalka Cad oo cambaareeyay Senator ku baaqay "dilka Putin"

Image
Maamulka Biden ayaa sheegay in dagaalka Ukraine "uu kaliya joojin karo qof ku sugan Ruushka".

WASHINGTON, USA – Aqalka Cad ayaa dhaleeceeyay Senetar-ka xisbiga Jamhuuriga Lindsey Graham markii uu u muuqday in uu ku baaqay in la dilo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kadib qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka.

Maraykankan ayaa sheegay in sida kaliya ee duulaanka Ruushka ee Ukraine uu ku dhamaanayo ay tahay "in qof Ruushka jooga uu soo saaro ninkan".

Graham, oo matala South Carolina, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: "Waxaad samayn lahayd waddankaaga - iyo adduunka - adeeg weyn".

Jimcihii, xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa u sheegtay warfidiyeenka: "Taasi ma ahan mowqifka dowladda Mareykanka, hubaashiina ma ahan hadal aad ka maqli doonto afka qof kasta oo ka shaqeeya maamulkan".

Hadalka Graham ayaa si weyn uga careysiiyey mas’uuliyiinta Ruushka, iyadoo safiirka dalkaas u fadhiya Maraykanka uu ku eedeeyay "Russia naceybnimo aad u sareysa".

Dhanka kale, dublamaasiga sare ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa BBC u sheegay inuu ku qanacsan yahay in Ukraine ay ku guuleysan karto dagaalka ay kula jirto Ruushka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay in aanu sheegi karin inta uu dagaalku socon doono balse waxa uu ku adkaystay in jabka Ukraine aanu ahayn mid lama huraan ah.

Waxa uu qiray "miisaanka milatariga Ruushka, haddii uu wax walba geliyo, aad uga badan yahay waxa Ukraine ay awoodo inay soo ururiso". Ku dhowaad in ka badan todobaad ayuu socdaa dagaalka iyada oo geerida ay badan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM