Aqalka Cad oo Dib u Eegis ku Bilaabay Howlgaladii Amniga Kadib Toogashadii Kalkaaliye Alex Pretti

Image

WASHINGTON — Mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad, Stephen Miller, ayaa shaaciyay in dowladda Mareykanka ay dib u eegis ku wado hab-dhaqankii ay adeegsadeen ciidamada ilaalinta xuduudaha iyo socdaalka ee Minneapolis, kaddib dhacdadii keentay geerida kalkaaliye caafimaad Alex Pretti.

Miller, oo ah ku-xigeenka madaxa shaqaalaha Aqalka Cad islamarkaana ah xagjire arimaha socdaalka ayaa sheegay in la baarayo sababta ay kooxaha amniga u raaci waayeen tilmaamo hore oo la siiyay, kuwaas oo ku saabsanaa in ciidamo dheeraad ah loo adeegsado ilaalinta goobaha iyo kala dhexgalka dadka carqaladeyn kara howlgalada, halkii ay si toos ah ugu lug yeelan lahaayeen hawlgallada qabashada.

Hadalkan ayaa loo arkay mid ka duwan mowqifkii hore ee ay qaateen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka, kuwaas oo isla markiiba dhacdada kadib ku tilmaamay Pretti inuu ahaa halis amni ka hor inta aan la dilin. Muuqaallo laga duubay goobta ayaa, si kastaba, muujiyay in ninka la dilay in laga qaaday wax kasta oo halis ah ka hor inta aan rasaas lagu furin.

Wararka ka imanaya Washington ayaa tilmaamaya in Aqalka Cad uu hadda isku dayayo inuu ka fogaado hadallo hore oo xamaasad leh, isla markaana uu qaato luuqad deggan oo ku saabsan waxa ka dhacay Minnesota. Madaxweynaha Mareykanka ayaa la sheegay inuu muujiyay aragti ka duwan tan ay horay u muujiyeen qaar ka mid ah madaxda amniga.

Inkasta oo ay jiraan dhaliilo iyo muran ka dhashay sida ay arrintu u maamuleen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta, ilo-wareedyo ayaa sheegay in aysan jirin isbeddel degdeg ah oo la filayo oo ku saabsan xilalka Stephen Miller ama Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem. Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa sii xoojisay doodda ballaaran ee ka taagan Mareykanka ee ku saabsan siyaasadaha amniga, awoodda hay’adaha fulinta, iyo isla xisaabtanka marka ay dhacaan falal sababa khasaare naf.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM