Aqalka Cad oo ka carooday cajalad loo dusiyey saxaafadda

Image
Muuqaalkan aadka loo hadal-hayo ayaa waxa uu quseeyaa weerarkii baarlamaanka lagu qaaday 6-dii Janaayo.

NEW YORK, USA - Afhayeenka Aqalka Cad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay barnaamij ka baxay taleefishinka Fox News, kaas oo uu daadihinayo weriyaha lagu magacaabo Turker Carlson, quseeyana weerarkii baarlamaanka lagu qaaday 6-dii Janaayo.

Weriyaha ayaa heley cajalad ay ku duuban yihiin wixii dhacay maalinkii dadka tirada badan ay galeen fadhiga labada aqal ee Maraykanka 2021-dii, wuxuuna cajalkan ku duuban muuqaal gaaraya 41 kun oo saacadood oo wixii dhacay ah.

Cajalka ayaa waxaa weriyaha siiyay guddoomiyaha Aqalka Coongareeska Kevin McCarthy, wuxuuna sheegay in uu u sameeyay si loo helo hufnaan iyo runta.

Balse afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre oo wariyeyaasha la hadlay ayaa waxa uu ku tilmaamay marin habaabin iyo wax aanan runta ka turjumaynin.

Weriyaha oo muuqaalka kasoo goostay qeybo uu soo xushay ayaa sheegay in dadkii weeraray Capitol Hill ay ahaayeen dad uun doonayay in ay soo arkaan gudaha Aqalka, oo aysan doonayn in ay afgambiyaan dowladda.

Saxafiga oo sii hadlaya ayaa tibaaxaya in sidoo kale ay dadkaas doonayeen madaxweyne Biden ka hor istaagaan in xilka loo dhaariyo kadib markii madaxweynihii hore Donald Trump uu muran ka keenay natiijadii doorashada.

Mas’uulka ugu sareeya xisbiga taladda haya ee Dimoqoraadiga Chuck Shchumer ayaa guddoomiyaha aqalka ku eedeeyay in uu cajalka si qaldan u faafiyay.

Shan qof oo qaar ay booliis yihiin ayaa ku geeriyootey shaqaaqadii dhacday sanadkii 2021-kii, waxaana ku dhaawacmay 140 askarta booliiska ah. Xisbiga Jamhuuriga ayaa isna sidoo kale dhaleeceeyay barnaamijkan oo qeybtiisii koowaad la baahiyay maalintii isniintii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM