Aqalka Cad oo kashifay dowlad Ruushka maleegayo in uu afgembiyo

Image
Xukuumadda Moscow ayaa illaa haatan waxa aysan ka jawaabin dhaqa kasoo yeeray Washington.

WASHINGTON, USA - Ruushka ayaa si qarsoodi ah uga shaqeynaya inuu afgambiyo dowladda Moldova isagoo abaabulaya mudaaharaadyo ay rajeynayaan inay horseedaan inqilaab, sidda uu shaaciyey Aqalka Cad ee Mareykanka.

Sirdoonka Maraykanka ayaa tilmaamaya in Kremlin-ka uu "raadinayo doorashooyin lagu wiiqayo xukuumadda Moldovan iyada oo laga yaabo in ujeedadu tahay in la hirgeliyo maamul taabacsan Moscow," sidda laga soo xigtey afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby.

"Wakiiladda Ruushka, qaarkood oo xidhiidh la leh sirdoonka Moscow, ayaa doonaya inay mudaaharaadyo ka dhigaan Moldova si ay u abuuraan kacdoon ka dhan ah dawladda Moldova,” ayuu raaciyay.

Wuxuu ku daray: "Xogtan mukhaabaraadka ah ayaa lala wadaagay saraakiil ku sugan Chisinau si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan maxkamadda oo ay u carqaladeeyaan qorshayaasha Ruushka".

Dowladda Moldova ayaa si adag uga soo horjeeda Ruushka, waxaana sabab u ah xiisadda ka taagan gobolka go'ay ee ay maamulaan kooxaha gooni u goosadka ah ee Ruushka taageersan.

Gobolka Transnistria, caalami ahaan, waxaa loo aqoonsan yahay inay ka tirsan tahay Moldova, laakiin gudaha dalka waxaa gacanta ku hayay gooni-goosadka tan iyo markii uu burburay Midowgii Soofiyeeti 1990-meeyadii.

Kirby ayaa sheegay in inkasta oo dhaqdhaqaaqyada Ruushka ee Georgia ay yihiin "walaac" waa in aan la qiyaasin isaga oo u muuqda mid isku-dayaya in uu dareenka caalamka kusoo jeediyo. Moscow wali kama jawaabin warkan.

"Dawladda Moldova waa mid adkeysi leh oo si hufan uga shaqaynaysa sidii ay uga hortagi lahayd khatarahaas. Waxaan ku kalsoonnahay hay'adaha dimuqraadiga iyo dhaqaalaha ee Moldova ay jawaabaan halistaas," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM