Aqalka Wakiilada Mareykanka oo diidey lacag ku socotay Israa'iil

Image
Sharcigan laba geesoodka ah ayaa sidoo kale waxaa deeq maaliyadeed loogu diri lahaa Ukraine.

WASHINGTON, USA - Aqalka Wakiiladda Mareykanka ayaa diiday hindise sharciyeed uu hogaaminayo Jamhuurigu kaas oo aduun lacageed gaaraya $17.6 bilyan oo gargaar ah lagu siinayo Israel.

Sharcigan laba geesoodka ah ayaa sidoo kale waxaa caawin doona Ukraine iyadda oo loogu talagalay wax lagu sheegay in lagu ilaaliyo amniga xuduudaha Mareykanka.

Codbixintii dhacdey Talaadadii ee sharciga Israa'iil, oo u baahneyd saddex-meelood laba meel codadka mudaneyaasha si loo hormariyo, ayaa si weyn u waxay u kala qeybisay labada xisbi.

Gargaarka loo dirayo maamulka Israa'iil - oo kamid ah kuwa ugu badan ee Maraykanka ku saacido dowladaha caalamka- ayaa sida caadada ah horey u helay taageero xooggan oo laba geesood ah.

Sikastaba ha ahaatee, isbedelkan yimid waqti-xaadirkan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa iyadda oo qaar kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka Mareykanka ay aad u diideen xasuuqa Yahuuda waddo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM