Aqoonyahan loo xukumay in uu u gefay Diinta Islaamka

Image

ALGIERS, Algeria – Aqoonyahan caan ah oo u dhashay Algeria laguna magacaabo Saciid Djabelkhir, ayaa Khamiistii lagu xukumay saddex sano oo xarig ah ka dib markii uu "ugu gafay diinta Islaamka" saddex qoraal oo uu soo dhigay Facebook, laakiin wuxuu ballanqaaday inuu rafcaan ka qaadan doono oo uu sii wadi doono u halganka "xorriyadda" fikirka.

Djabelkhir, oo 53 jir ah kuna baaqay in "laga fikiro" qoraallada aasaaska Islaamka, ayaa la soo taagay maxkamad kadib markii toddobo qareen iyo nin aqoonyahan ah oo saaxiibkii ahaa ay dacwad kusoo oogeen.

Isaga oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP xukunka kadib, Djabelkhir oo lagu sii daayay damaanad ayaa sheegay inuu aad ula yaabay culeyska xukunka iyo inuu rafcaan ka qaadan doono maxkamada racfaanka hadii loo baahdo.

"Waxaan nasiib darro ku helnay inaan baaris ka sameynno Algeria," ayuu yiri aqoonyahankaan, oo khabiir ku ah Suufiyada Islaamka. "[Laakiin] dagaalka loogu jiro xorriyadda damiirka waa mid aan gorgortan laga geli karin. Waa dagaal ay tahay inuu sii socdo".

Waxyar ka hor hadalkiisa, Moumen Chadi oo ah qareenka Djabelkhir, oo isna muujiyay naxdin ku saabsan xukunka, ayaa xusay in yalyeentigiisa "loogu xukumay seddex sano oo xabsi ah in uu ku xadgudbay qawaaniinta Islaamka".

"Ma jirto wax caddeyn ah," ayuu yiri garyaqaanka, isagoo ku tilmaamay dacwadda mid aan sal iyo raad lahayn. Dembiga loo xukumay waxaa qofka lagu helo lagu ciqaabi karaa ilaa shan sano oo xabsi ah.

Sharciga waddanka Aljeeriya oo ah dal dadka ku nool ay 99.7% yihiin Muslimiin Sunni ah ayaa wuxuu dhigayaa seddex ilaa shan sano oo xarig ah iyo ganaax "qofkii u gafa nabiga ama nacayb u muujiya qawaaniinta diinta Islaamka, ha ahaato qoraallo, sawirro, hadal ama qaab kale".

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM